Tartan Ciyaareed Kubada Cagta Ah Oo Ka Dhici Lahaa Kismaayo Oo Loo Soo Wareejiyay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Tartan Ciyaareed Kubada Cagta Ah Oo Ka Dhici Lahaa Kismaayo Oo Loo Soo Wareejiyay Muqdisho

Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayuu qorshuhu ahaa in lagu qabto Ciyaarta Kubbadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada balse haatan la shaaciyay in Muqdisho loo soo wareejiyay.

Kulan ay xalay Kismaayo ku yeesheen Wasiirada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada ayay isku raaceen in tartankaan lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Arrintaan ayay Wasiirada u sababeeyeen in ay tahay in weli dib-u dayactir uu ku socdo Garoonka kubadda Cagta Kismaayo oo lagu qaban lahaa.

Sidoo kale Wasiirada ayaa waxa ay sheegeen in marnaba aysan dib uga dhici doonin furitaanka tartankaas oo loo qorsheeyay 14,ka Bisha December ee Sanadkaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!