Tarsan: Wasiirada Cusub Waa Ineysan Degin Madaxtooyada Iyo Hareeraheeda

Read Time:1 Minute, 36 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Daaci) ayaa ugu baaqay wasiirrada cusub ee xukuumadda ee dhawaan Raysul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed soo dhis doono iney degaan xaafadaha kala duwan ee magaalada ee aysan ku meereysan madaxtooyada iyo hoteelada ku hareereysan.

Gudoomiye Tarsan oo ka hadlay munaasabad lagu furayey xarunta degmada Dayniile oo muddo saddex sano ka badan aan lagu shaqeyn ayaa wasiirada cusub ugu baaqay iney degaan xaafadaha shacabku noolyihiin ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, duqa Muqdisho wuxuu soo jeediyey in wasiirrada cusub aysan la mid noqon kuwii ka horreeyay oo ahaa kuwo aan soo dhaafin madaxtooyada oo halkaas uuna iska jooga, wax xiriir ah oo shacabka kala dhexeeyana aysan jirin.

“Waxaan maqlay wasiirrada cusub ee xukuumadda lasoo dhisayo yihiin 25 wasiir iyo 25 wasdiir ku xigeen iyo lix wasiir u dowle ay yihiin, waxaana ugu baaqayaa inay isku qaybiyaan degmooyinka gobolka Banaadir oo ay dadka ay mas’uulka ka yihiin la dagaan,” ayuu yiri gudoomiye Tarsan.

Tarsan oo la hadlay dakd degan degmada Dayniile ayaa wedyiiyey “Muxuu dhulkiina la bannaan yahay, Ma adinkaa daris xumo leh mise wax kalaa jira? Maxaa ku dhacay dhulkiina? Maxaa loo dhisan la’yahay ama loo iibsan la’yahay? aniga hal sabab ayaan u maleynayaa inay tani ku dhacday, taasoo ah in suuqa la geliyay in degmadiina ay saldhig u tahay kuwa dhiigga dadka banneystay,” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarsan.

Dhinaca kale, gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci oo ka hadlay munaasabad lagu taageerayey Raysul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xukuumadda cusub ugu baaqay iney degaan xaafado kala duwan oo ku yaalla Muqdisho.

Axmed Daaci ayaa tilmaamay in haddii wasiirada cusub degaan madaxtooyada iyo hareeraheeda aysan wax ka heyn doonin shacabka ku nool Muqdisho.

Wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan degan xaafado kooban oo ku dhow madaxtooyada, sidoo kale waxaan xaafado badan oo ku yaalla Muqdisho ay ku yaryihiin shaqaalaha dowladda.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %