Qarax khasaaro sababay oo Ciidamo ka tirsan Puntland lagula eegtay Gobolka Bari * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qarax khasaaro sababay oo Ciidamo ka tirsan Puntland lagula eegtay Gobolka Bari

Mareeg-Boosaaso Ugu yaraan 3 Askari ayaa ku dhaawacmay kadib qarax lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo marayay deegaanka Bali Qadar oo  dhaca duleedka Boosaaso.

Ciidamada la weeraray ayaa ka soo ambabaxay Magaalada Boosaaso kuna sii jeeday  Halka loo yaqaanno Galgalo ee isla Gobolka Bari.

Ma jiro cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaas , walow Al Shabaab weeraro ka dhacay deegaanada maamulka Puntland hoostaga ay masuuliyadooda sheegteen.

Dhinacooda Puntland kama hadlin iyaguna weerarkaas Ciidamadooda lagula qaaday Gobolka Bari.

Waxaa kaloo Xusid mudan in Buuraleyda Galgala ay ku sugan yihiin Dagaalyahanno taabacsab Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo horay u shaaciyay in uu la bahoobay Ururka Daacisha.

 

 

sida kale siyaasi  Tarsan Shaki ka mujiyay Dadajinta Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexetarsan

 

 

Urur Goboleedka IGAD ayaa ka dhawaajiyeen in 3-da Bishaan dib u furmayo Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe  islamarkaana la dadajinayo ayaa waxaa arrintaasi Shaki ka muujiyay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka ee labadaasi Gobol in ay ka biyo diidaan go’aanka ka soo yeeray IGAD isagoo intaas ku daray in shirkaas dano gaar ah laga leeyahay, dowladdana ay ku fashilantay.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame ayaa sheegay in sababta loo dadajinayo shirka maamul u sameynta labada Gobol ay tahay in la doonayo Sed Bursi , Afduub iyo xatooyo.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isaguna sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uusan wax horumar ah uusan la dooneyn Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastab waxaa Maalinta Sabtida ah ee 3-da Bisha September lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Jowhar Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!