Tarsan Oo Weerar Kulul Ku Qaaday NGO-yada Ka Howlgala Muqdisho

Read Time:59 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa dhaliil culus usoo jeediyay Hay’adaha NGO-yada eek a howlgala Magaalada Muqdisho.

Tarsan oo ka hadlaye kulan shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa Hay’adaha ku dhaliilay inaysan wax qaban, isla markaana ay linsadaan inta badan lacagaha ay kusoo qaataan magaca umadda Soomaaliyeed.

Tarsan ayaaa dhanka kale aad u nweeraray hay’adaha deeqaha bixiya ee degan magaalada Nairobi, wuxuuna sheegay iyaga iyo NGO-yada Soomaalida ay mashaariicda siiyaan ay ku heshiiyaan iney lacagaha kala qeybsadaan oo aan la diyaarin xisaab xir dhab ah.

Wuxuu Tarsan sheegay ineysan waxba hagaagi doonin haddiin aan tilaabo laga qaadin dad uu sheegay iney daaro dhaadheer ka dhisteen mashaariic la xaday.

“Waxba ma hagaagayaan ilaa Muqdisho laga qabto kuwa NGO-leyda ah ee guryaha dhaadheer ka dhistay mashaariicda la xaday” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa sidoo kale xukuumadda ugu baaqay in la joojio mashaariicda lagu soo saxiixayo Nairobi ee dhex maraya hay’adaha deeqaha bixiya iyo NGO-yada Soomaalida.

Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya ayaa waxaa ka shaqeeya NGOs Soomaalid leedahay, kuwaasoo isugu jira kuwa howlo badan qabtay iyo kuwa aan qaban wax muuqda.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %