Tarsan oo ku dhawaaqay xisbi loogu magaca daray "Xisbiga Cadaalada Bulshada" * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Tarsan oo ku dhawaaqay xisbi loogu magaca daray “Xisbiga Cadaalada Bulshada”

Xisbiga Cadaalada Bulshada ayaa maanta munaasabad daahfur ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho, Waxaana xisbigaas ku dhaaaqidiisa horkacaya gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, xildhibaano, gudoomiyeyaashii hore ee gobolka Banaadir qaarkood, waxgarad, masuuliyiin, haween, culumaaudiin dhalinyaro iyo qeybo kale

Xubno ku hadlayey magaca qeybaha bulshada oo ka hadlay kulankaas ayaa ka waramay doorka muhiimka ah ee loo baahan yahay in axsaabta siyaasadda ay ka ciyaaraan sidii loogu gudbi lahaa doorasho iyo hanaan siyaasadeed oo qeyb weyn ka qaata dibu-dhiska dalka.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas Xisbigu uu ku soo bandhigay qorshe howleedkiisa cusub oo uu kaga duwan yahay xisbiyada kale ee ka jira dalka kuwaasoo ku qotoma mabaa’dii salka ku haya sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa isku-filnaansho dhaqaale oo ku dhisan iyo cadaalad.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo ahaa gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo munaasabadaas ka jeediyey khudbad dheer ayaa cadeeyay hadafka xisbiga.

“Xisbigan wuxuu xambaarsan yahay mabaa’dii rasmi ah oo salka ku heysa sidii loo soo afjari lahaa cadaalad xumada ka jirta Soomaaliya, oo nooc walba leh” ayuu yiri Tarzan oo sii raaciyay, “Waxaan aaminsan nahay in Soomaaliya aysan u baahneen in ay ku tiirsanaato waligeed kaalmo dibada looga keenay; dalkeena waa mid hodan ah, waxaana naga go’an in aan tayeyno kartida bulshada Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga, una noqdaan bulsho iskufilan, oo leh waxsoosaar.”

Tarsan ayaa sheegay in xisbigan uusan aheyn xisbi qabiil ama mid goboleysi ku dhisan, balse uu yahay mid u furan iney xubno ka noqdaan Soomaalida oo dhan kuna saleysan mabaadi guud, wuxuuna xusay in dhowaan la qaban doono shirweynihii ugu horeeyey ee xisbiga laguna dooran doono hogaanka xisbiga iyo maamulkiisa intaba.

Madasha shirka waxaa sugaan iyo erayo guubaabo leh kasoo jeediyay sugaan yahano Soomaaliyeed iyo waxgarad kale kuwaasoo hoosta ka xariiqay in la gaaray xiligii loo qumi lahaa xisbiyo siyaasadeed oo ku dhisan mabaa’dii qaran iyo midnimo.

Munaasabada daah-furka Xisbiga Cadaalada Bulshada ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska diiwaan galiyaan xisbiga oo dhawaan qorsheynaya in xarumo ka furto gobolada dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!