Tarsan Oo Diiday Xil Looga Magacaabay Golaha Wasiirrada Cusub

Read Time:59 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa diiday xil looga magacaabay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo xalay saqdii dhexe laghu dhawaaqay.

Tarsan oo maanta warbaahinta isugu yeeray ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe mar ay saacaddu ahay 2:00AM in uu ka maqlley TV-ga Raysul wasaaraha oo aqrinaya magacyada golaha wasiirada oo uu ku jiro magaciisa oo qaldan sida uu yiri.

Wuxuu sheegay Tarsan inuusan arrintaas waxba ka ogeyn, islamarkaana aan lagala tashan, aysanna arrintaas ka wada hadlin isaga iyo Raysul wasaare C/weli Sheekh Axmed.

“Arrintaas waxaan ka ogaa oo la igaka tashaday ma jirto, marka madaxweynaha iyo Raysul wasaaraha oo ku mhadsan waxaan leehay diyaar uma ihi inaan ka mid noqdo golaha wasiirada, iska wasiiru dowle ee xitaa wasiir inaan noqdo ma rabo” ayuu yiti Tarsan.

Liiska Wasiir kuxigeenada ayaa waxaa ku jira magaca ah Maxamed Axmed Nuur Tarzan, kaas oo loo magacaabey Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha & Dhalinyrada, waxaana tarsan markii uu warbaahinta la hadlayey u muuqday nin careysan.

Maadaama magaca Tarsan lagu soo daray liiska golaha wasiirada ayaa loo badinayaa in Tarsan laga qaadayo xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir oo uu muddo hayey.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.