Muqdisho, Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa beeniyey in maamulka gobolka Banaadir la wareegayo guro ku yaalla degmooyinka Xamar Weyne iyo Shangaani ee gobolka Banaadir, kuwaasoo dhawaan maamulku amar ku bixiyey in la dayactiro.
Tarsan ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu shalay la kulmay odayaal kazoo jeeda beelaha Banaadiriga, kuwaasoo inta badan degan Xamarweyne iyo Shangaani.
Amar dhawaan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu amray dadka iska leh guryahah ku yaalla meelihii bilicda lahaan Jiray ee Xamarweyne iney ku dhisaan guryahooda muddo 3 bilood ah.
Arrintaas ayaa waxaa ka shakiyey beelaha Banaadriga, kuwaasoo cabasho gubdiyey, waxaana gudoomiyaha gobolka Banaad Tarsan u sheegay odayaasha Banaadiriga inuusan jirin guri lala wareegi karo.
Gudoomiye Tarsan ayaa ku celiyey amarka ah in la dhiso deegaanada amarka maamulku ku bixiyey, wuxuuse meesha ka saaray in lala wareegayo guryaha.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa doonaya iney bilicda magaalada Muqdisho, wuxuuna amar ku bixiyey in la dhsiso daaraha ku yaallay deegaanada muhiimka ah.
Mareeg.com