TARSAN: Ma Aha In Alshabaab Lasoo Xiro Waa In Dhagax Lagu Dilo

Read Time:48 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa qaba in marka la arko xubin ka tirsan Alshabaab aan la xirin ee isla goobta lagu dilo.

Tarsan oo shalay hadal ka jeediyey kulan looga hadlayey degmooyinka Muqdisho ayaa tilmaamay inuu la yaaban yahay xubnaha Alshabaab ee lasoo xirayo, wuxuuna ku taliyey in ciidamadu toogtaan ama shacabku dhagax ku dilaan.

“Anigu waxaan la yaabanahay Alshabaab lasoo qabanayo, waa in goobta lagu arkay lagu dilo, dadkuna dhagax ku dilaan, maxaa yeelay waxey baneysteen dhiiga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa ugu baaqay dadka ku nool gobollada Alshabaab maamulaan iney kacdoon sameeyaan oo dagaal kala hortagaan Alshabaab.

“Waxaan la hadlayaa Ceelbuur, waxaan la hadlayaa Ceeldheer, waxaan la hadlayaa Buulo-burute, waxaan la hadlayaa Jalalaqsi, waxaana idin leehay kaca oo dagaal kala hortaga Alshabaab” ayauu sidoo kale yiri Tarsan.

Tasran ayaa inta badan jeediya hadallo xamaasadi ka muuqato, wuxuuna si kulul I weeraraa hogaamiyaasha xarakada Alshabaab.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %