Tarsan: Dalka Kama Shaqeyn Doonto Shirkadii Qaadata Amarka Alshabaab

Muqdisho, Mareeg.com: Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed NUur (Tarsan) ayaa uga digay shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya iney u hogaansamaan amarkii Alshabaab ee ahaa iney muddo 15 maalmood ah ku joojiyaan Internet-ka Mobile-ka lagu isticmaalo iyo Adeega Internet-ka xawaaraha sare leh ee Fiber Optic.

Maxamuud Axmed Tarsan oo ka hadlayay munaasabad lagu daah rogayey furitaanka dhismaha cusub ee xarrunta degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkadii qaadata amarka Alshabaab aysan dalka kasii shaqeyn doonin.

Tarsan ayaa sheegay in shirkaddii fulsa amrkaas loo arkayo mid kazoo horjeedda jiritaanka umadda Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Hadaba i dhgaeysta saddexda shirkadood ee isgaarsiinta, haddii aad aqbashaan digniinta Alshabaab waxaad ka soo horjeediin jiritaanka Umada Soomaaliyeed, dowladnimada ayaad ka soo horjeediin, midnimada Umada ayaa ka soo horjeediin”.

Wuxuu sheegay Tarsan inuu isagu tilaabo ka qaadi doono shirkaddii qaadata amarka Alshabaab, wuxuuna yiri “Shirkadii joojisa adeega internet-ka dalka kama sii shaqeyn doonto, aniga ayaa ku dhaqaaqi doono inaan fiilooyinkooda jar jaro”.

Sii Hayahaha wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sidaan oo kale shirkadaha uga digay iney qaataan amarka Alshabaab, wuxuuna xusay in shirkadii qaadata loo arki doono mid la shaqeyneysa Alshabaab.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245