Tallo ku socoto Xildhibaanadii Dalbadey iscasilka madaxweynaha

Xildhibaanada marka hore ma soo gudbin magacyadooda, qofna kuma saxiixna waraaqaha loo gudbiyay warbaahinta. Marka tiradooda iyo cidda ay yihiin lama yaqaan, walow la dhihi karo waxaa jira sabao la xiriira xagga ammaanka oy magacooda u qariyeen.

Kow, Xildhibaanada waxay sheegeen inay dib-u-eegis ku samaynaayaan xafiiska madaxwaynaha, bacdamaa uu masuuliyad arintaan ka saarantahay. Si ay tan u fuliyaana waxay isticmaaleen balanqaad uu hadda ka hor sameeyay madaxwaynaha oo ahaa inuu lix arin wax ka qaban doono. Xildhibaanada waxay sheegeen in mid ka mid xittaa inaan waxba laga qaban, haddii laga qaban lahaana in laga soo kabsan lahaa dib-u-dhacii ku habsaday wadanka ilaa 1991dii.

Waxay sheegeen in Madaxwaynaha uu ka soo bixin balantii uu galay. Marka waxaa la dhihi karaa madaxwaynaha ma wuxuu dhahay labo sano gudahood aan waxaan qabanaa wax Soomaaliya kaga soo kabato dib-u-dhacii soo gaaray ilaa 1991kii? Warkaan oo ararta lagu sheegay wuxuu u muuqdaa in mudanayaasha ay ku saxsanayn warkooda, afar sano ka dib xittaa arintaan macquul ma aha.

Mudanayaasha waxay ku sheegeen qodobkooda kuwaad inuu Madaxwaynaha ku guuldaraystay inuu keeno qorshe meel mar ah oo lagu xasilinaayo dalka, maamulana loogu dhisaayo si loo hirgaliyo nidaamka federaalka. Arintaan waxay khusaysaa tiirkii koowaad ee uu balan qaaday Madaxwaynaha. Mudanaayasha wax caddayn ah uma keenin eedayntaan, waxay dhaheen kaliya markaan aragnay in hogaankaagu ku guuldaraystay. Maxaad aragteen? Jawaabta arintaan, mar kale, kuma sheegin qodobkaan koowaad ee qoraalkooda.

Qodobka labaad mudanayaasha waxay sheegeen inay arkeen in lagu guuldaraystay soo noolaynta adeegyada bulshada, sida tacliinta iyo caafimaadka. Waxay ahayd wasaarad walba inay warbixin ka diyaariso waxay qabatay, oy shabakad samaysato, bacdina ku soo bandhigto waxqabadkeeda. Arintaan inay jirto iyo in kale war uma haayo, laakiin ma arkin wasaarado shabakado leh, oo xayaysiinaaya. Mudanayaashana wax caddayn ah ma keenin. Waxaa jiray hal malyan oo arday ah oo la sheegaayay in dugsiyada loo diray, cisbitaalo la dhisay, laamiyo la dhisay, xarumo ciidan oo dib loo dhisay, iwm.

Xildhibaanada waxay Madaxwaynaha ku eedeeyeen inuu ku guuldaraystay inuu dhiso ciidan qaran oo si hufan loo soo xulay oo leh karti iyo awood ay ku hanan karaan kala dambaynta iyo ammaanka dalka. Dib-u-soo noolaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waa arin shaqo badan iyo waqti u bahaan, mudanayaasha ma waxay filaayeen in labo sano gudahood in ciidan Qaran lagu soo dhiso oo hanan kara kala dambaynta iyo ammaanka dalka? Laakiin waxay filan kareen in dhankaas horayumar balaaran in laga sameeyo. Mar kale wasaaradda Gaashandhigga ay ahayd arin u taala in dadwayanaha Soomaaliyeed ay u soo bandhigto horayumarka ay ku tilaabsatay, walow fiidiyow dhawaan ay soo bandhigeen ciidanka dalka, maray u dabaal dagaayeen sanadguuradoodii uu muujinaayyay horayumar. Waxay ahayd barlamaanka qaybta u xilsaaran ciidamda inay dalbadaan waxay qabanayso wasaaradda gaashaandhigga sanadkaan soo socoda, bacdina sanadka markuu dhamaado dhahaan wixii ma samayseen? bacdina caddayntaas sal looga dhigo eedayn madaxwaynaha loo soo jeediyo, laakiin qodobkaan wuxuu na tusaa inay xildhibaanada samayn shaqadoodii guri, oo bacdi iska laab kaceen.

Isla qodobka saddexaad xildhibaanada waxay sheegeen in colaado sokeeye jiraan, walow hadda ay jirin, laakiin ay jireen, oo ka dhacay, siday sheegeen, Hiiraan iyo Shabeelooyinka, iyo meelo kale. Waxay sheegeen in colaadahaan loo aanaynaayo xumaanta hoogaankaaga iyo kartidaada, saas oo kalayna kuwa aad xulatay, ayadoo xildhibaanada ay sheegeen inay su’aal ka taagantahay sida aad u xushay.

Horta arinta colaadaha meelo kale ay ka jiraan oy xildhibaanada sheegin sida Taleex iyo meelo kale, arintaan hogaamin xumada madaxwaynaha masuul kama ahayn iyo dadkuu xushay. Mar kale waa iska dhaheen, ma dhihin caddaynta waa tan, arintaana dhaqan fiican ma aha. Laakiin waxaa jirta in madaxwaynaha uu gacanta u galin talada waxgaradka meesha ku dhaqan, si ay u doortaan qof ayaga la fiican, markay dhistaan gole deegaan ka dib. Caddaynta arintaana waxaa waaye maamulada hadda ka jira Shabeelooyinka iyo Hiiraan waa kuwo horay u joogay intuu madaxwaynaah imaan ama kuwo uu asaga magacaabay, marka ma jirin isbadal u sahla dadka inay ayaga ayahooda ka tashadaan, dowladdana ay ku taageerto. Dadka waxay leeyihiin ay difaacdaan, lana xisaabtamaan.

Qodobka afaraad xildhibaanada waxay ku eedeeyeen Madaxwaynaha JFS inuu ka gaabiyay inuu curiyo fikir siyaasadeed oo lagula xaajoodo Shebaabka. Barlamanaaka ma dhihin waa ka gaabiyay arintaan sababtana waa tan, haddii ay saas dhihi lahaayeen eedayntooda waxay lahaan lahayd jawaab khaas ah, laakiin bacdamaa ay sabab sheegin lagama jawaabi karo eedayntooda. Marka isla su’aashii waydii barlamaanka; muxuu barlamaanka miisaaniyad ugu samayn waayay dad khuburo ah oo curiya fikir siyaasadeed oo lagula xaajaado Shabaabka ogol wada xaajoodka? Maxay khuburo ugu yeeran waayeen arimahaan ka warama bacdina ugu doodi waayeen si ay u gaaraan waxay muwaafaqo ku yihiin, bacdina u dajin waayeen siyaasad sharci ah oy tahay golaha fulinta oo madaxwaynaha uu madax ka yahay miday fuliyaan? Lama dhihi karoo barlamaanka arintaan waa ka gaabiyay?

Qodobka shanaaad xildhibaanada waxay ku eedeyeen Madaxwaynaha JFS inuu ku guuldaraystay inuu si habsami leh u hago siyaasada dhaqaalaha dalka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Ayadoo la ogyahay inay tabar jirto iyo duruufo iska adag, aa waxaa la dhihi karaa maxay tahay caddaynta arintaan loo haayo ileen waa eedayn guud arintaan.

Xildhibaanada waxay dhaheen shirkado shisheeye aa gacanta loo galiyay kaabayaashii dhaqaalaha dalka si aan daah furnayn. DFS waxay xukuntaa kaliya dakadda Xamar, dakadaha kale ma xukunto, barlamaanka oo barlamaan Soomaaliyeed ahna lama arkin asagoo arintaan qoraalo ka soo saaraaya oo cid ku eedaynaaya. Saas oy tahay haddana shirkadd Favori oo maamusha dayuuro dageenka Xamar waxay hortaalaa barlamaanka, ma aha arin qarsoon.

Shirkadaan waa shirkad turki ah, Turkigana waxaa la wada ogyahay inay wax badan ka qabteen wadanka, khaasatan Xamar; marka qandaraasyada waxay ahaayeen abaal marin; Midda kale dayuuro dageenka waxuu hoostagaa maamulka gobolka Banaadir, maxay tahay marka hore sababta loo horkeenay barlamaanka? Ma dayuuro dageenada kale ee dalka shirkadaha maamula barlamaanka la horkeeno? Bal meesha fiiriya caddaalo darada taala intay la egtahay?

Niyad jab kuma noqonaysoo Turkiga in shirkadahoodii si aan fiicnayn loola dhaqmo, ayagoo wadankii wanaag badan ka wada?

Heshiis waxaa jiray caddaalo darro ahaa oo dhahaayay dhaqaalaha ka soo xarooda dakadda Xamar waxaa qaadanaaya Dowladda Federaalka boqolkiiba sideetan iyo shan, 85%, meesha shan iyo tobon, 15%, la siinaayo Dowladda Hoose ee Xamar. Kan dayuuro dageekna, oon lacag badan ka soo xaroonna ( meesha dakadda ka soo xarooto 30 malyan oo doolar sanadkii, dayuuro dageenka waxaa ka soo xaroota saddex malyan oo doolar sanadkii) waxaa dhaqaalaha qaadanaaya Dowladda Hoose Xamar. Marka heshiiskaas waa laga dabo yimid. Waxaa muuqata dadka masuuliyiinta ah ee ka soo jeeda Xamar iyo meelaha u dhow dhow inay xilkooda ka soo bixin. Shicikba ku dhaqan Xamar iyo meelaha u dhow dhow waa inay la xisaabtamaan.

Qodobka lixaad xildhibaanada waxy ku sheegeen Madaxwaynaha inuu ka gaabiyay ilaalinta midnimada dalka; sida caadiga ahayd, xildhibaanada caddayn ma keenin muujinaysa in laga gaabiyay ilaalinta midnimada.Waxay kaloo ku sheegeen qodobkaan in wadahadalkii u socda Dowladda iyo Somaliland uu u muuqdo inuu fududaynaayo inuu dalka kala go’o. Mar kale dad laguma eedeeyo waa u muuqataa, ee caddayn rasmi ah aa la keenaa, ama waa la iska daayaa. Dhaqankaan xildhibaanada waa ka maqanyahay. Waana mid ay qaybto shareecada Islaamka iyo qanaanuuda kale: caddayn u keen eedayntaada ama iska daa.

Qodobka todobaad xildhibaanada waxay sheegeen aqoonsigii ka dhashay ka gudbkii xiligii kumeel gaarka ahaa inuu sii dhumaayo. Labo sabab ay u keeneen. Mid waa in la xiray qunsulkii Soomaalida ee Keenya; Keenya waa ka raali galisay Soomaaliya, qunsulkana ma xirnayn amin ka badan saacado. Dowladdana arintaan ficil ay ka qaadatay oo ahaa inay safiikra u yeerato. Midda labaad, Madaxwaynaha arinta qaxootiga waa kala hadlay Keenya, darteedna Keenya waa u tagay, laakiin waa run ficil iyo qowl ahaan adag kama muujin arintaan oo ku haboon habdhaqankii Dowladda Kiinyaatiga. Arintaan xildhibaanada waa ku saxsanyihiin. Laakiin, xildhibaanada kama hadlin iyo xittaa Dowladda saraakiil ka tirsan ciidanka wadanka oy Itoobiya xiratay, wax ka badan hal mar. Maxay uga aamuseen? Mala dhihi karoo xildhibaanada waa ka gaabiyeen howshooda? Dowladana saas oo kale malaga dhihi karoo?

Qodobka sideedaad, xildhibaanada waxay sheegeen inaan si fiican loo agaasimin dagaalkii Shebaab lagu qaaday, bacdina arntaan waxay dhalisay in Shebaab deegaamadii laga saaray inay go’doomiyaan, isa soo abaabulaan, shacabiyadna helaan. Ilaa hadda lama sheegin khaladaad ay Dowladda samaysay oo mudan eed. Arintaan waa run si fiican looma maarayn, laakiin barlamaanka arintaan dowr uu ku lahaa: inuu odoros waxa dowladda qaban karto bacdina ay u sheegaan, haddii markaas dowladda ay samayn wayso, waxay haysan lahaayeen eed leh caddaymo. Marka ayagana shaqadoodii kama soo bixin.

Qodobka 9aad, waa run in shirkii dib-u-habaynta garsoorka ee Xamar ka dhacay sanadkii hore, 2013, khaasanta bishii Abriil, wuxuu dowladda u soo jeediyay, arimo farobadan, waxaana ka mid ahaa in la dhiso maxkamad dastuuri ah muddo dhan 3 bilood gudahood. Arintaan laakiin waxay ahayd arin u taala Dowladda, iyo wasiirkeeda koowaad, ee ma aha kaliya Madaxwaynaha, walow uu qayb ku lahaa, oy ahady inuu dhaho taladii hirgaliya la soo jeediyay.

Qodabka 10aad waa run inuu Dastuurka faraayo in la dhiso gudi madax banaan oo la dagaalama musuq maasuqa. Laakiin gudigaas lama dhisin. Waxaa kaloo jira gudiyo badan oo shirar badan oo Madaxwaynaha uu abaabulay ay ku taliyeen oon la dhisin. Laakiin wax caddayn ah xildhibaanada uma keenin in la boobaayo hantida Dowladda. Marka ma ahayn inay sheegaan ilaa ay caddayn u haayaan.

Qodbka 11aad wuxuu la midyahay qodobka sagaalaad, Dowladda waxaa loo soo jeediyay inay samayso guddiga runta iyo dib-u-heshiisiinta, mana samayn. Arintaan waxaa qayb ku leh Wasiirka koowaad iyo wasiiradiisa. Marka ma aha arin Madaxwaynaha kaliya lagu eedayn karo. Arinta ah maxaa loo heshiisiin waayay beelaha iyo dowladda federaalka iyo dowladaha gobolada jawaabteeda waa iska caddahay? Barlamaanka arin u taala waaye arintaan maadaama ay soo doorteen beelaha ayna ka soo jeedaan, qaar ka mid ah, maamulada wadanka ka jira? Maxay ayaga qayb uga gali waayeen dib-u-heshiisiinta?

Qodobka 12aad wuxuu leeyahay xarumihii DFS waa la beegsaday, ma jirin cid loo soo qabtayi iyo cid shaqadoodi waysay sababo la xiriira inay shaqadooda gudan waayeen. Arintaan DFS aa laga rabaa inay ka jawaabto, oy dhahdo hebel iyo hebel aan u soo qabanay waxybaahii dhacay. Waana sax haddii qof howshiisa ka soo bixi waayo, in shaqada uu waayo.

Qodobka 13aad, barlamaanka waa laga fiicnaa inay si aan laga fiirsan u joojiyaan howlihii xaruntii casriga ahayd ee Banadir laga furay oo khusaysay arinta muwaadinimada. Dastuurka wuxuu leeyahay qodobka 8aad Barlamaanka aa xeer ka samaynaaya sida loo heli karo muwaadinimada iyo arimo kale oo la taxaluqa. Marka maxay u samayn waayeen xeerarkaas? Maxay dabka looga daminaa dad dhan oo shaqo helay ayadoo ay jirto baahi loo qabo muwaadininada. Arintaan ma arin saxsanaa? Maxaa ilaa hadda oo amin badan ka soo wareegatay loo la’yahay xildhibaano dhaha war dadka shaqo ha heleene sharciga sameeya? Lama dhihi karoo xildhibaanada dan kama galaayaan dadka ku nool gobolka Banadir?

Qodobka 14aad ma haysto wax caddayn ah, waa u muuqataa iyo arimo noocaas ah u cuksanaayaa, waa arimo aan la cuksan karin si wax loo eedeeyo.