Taliye Ku-xigeenkii Waaxda Socdaalka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliye Ku-xigeenkii Waaxda Socdaalka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Mareeg.com: Koox hubeysan oo wadatay gaari ayaa ayaa maanta agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ku dilay Ku Xigeenkii Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, ahaana Taliyihii Waaxda Socdaalka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Maxamuud Cabdi Caddow oo loo yaqaanay (Dhabarey).

Sarkaalkan oo watay gaari ayaa dabley hubeysan waxey gaarigiisa ku horjareen gaari kale, kadibna waxey ku  rasaas xoog leh.

Dableyda dilka geysatay ayaa baxsatay iyadoo goobta dilku ka dhacay ay tahay meelaha ay joogaan ciidamada ugu badan ee dowladda Soomaaliya.

20-kii September ayaa sidan oo kale rag watay gaari yar waxey rasaas la beegsadeen gaari uu lasocday Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde, Cali Maxamed Madoobe, waxaana soo gaaray dhaawac.

Waa weerarkii 2-aad oo maanta oo kaliya ka dhacay Muqdisho, iyadoo gellinkii hore uu isku day dil ka badbaay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, hase ahaatee ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Dhanka kale, Wasaarada Amniga Qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii falalka dilka ah maanta Muqdisho ka geystay, kaddib kulan Mas’uuliyiinta Wasaaradda amniga iyo Taliyeyaasha ciidamada ay ku yeesheen Muqdisho.

Kulankaan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Qaranka mudane Khaliif Axmed Ereg oo ay goob joog ka ahaayeen Taliyeyaasha ciidamada ayaa looga hadlay falal dil ah oo maanta Muqdisho si gooni gooni ah uga dhaceen, waxaana uu Wasiirka ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay falalkaasi dilka ah.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Amnigu ay amar ku bixisay in gacanta lagu soo dhigo falalkii lagu dilay Taliyaha Waaxda Socdaalka ee garoonka Aadan Cadde Marxuum Maxamuud Cabdi Caddow “Dhabareey”, iyo labo kale oo ka tirsaan Wadihii baabuurka Xildhibaan Dalxa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

“Waxna waa ka hortag waxna waa ka daba tag, markii kooxihii maanta Muqdisho ka geystay falalka dilka ah cadaaladda ayaa la horkeeni doonaa, shacabka iyo mas’uuliyiintana waxaa loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan oo aysan is dayicin, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!