
Banaadir,Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) , ayaa saakay shaaca ka qaaday in uu iscasilay kana tagay Shaqadii uu ka hayay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir.
Cali Gaab oo saakay la hadlay Mid kamid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in si isiis ah uu u go’aansaday in uu shaqada uga tago, waxa uuna meesha ka saaray in cadaadis dhanka shaqada ah uu la kulmay.
”Waxaan rabaa in aan idin sheego in aan iska casilay shaqadii Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, aniga ayaa go’aansaday in aan si iskey ah isku casilo, ma jirto cid igu qasabay iyo qof aan dacwo ka ahay” Ayuu yiri Cali Gaab.
Gen. Cali Gaab ayaa ahaa sargaal si weyn looga yaqaanay Gobolka Banaadir ,waxa uuna horey usoo noqday Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko, walina si dhab ah looma oga sababta Cali Gaab ku kaliftay in uu iska casilo xilkii uu hayay.