Taliye Sanbaloolshe Oo Digniin Culus U Diray Mas'uuliyiin Ka Tirsan Dowlada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliye Sanbaloolshe Oo Digniin Culus U Diray Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowlada

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyaha hay’adda nabad sugidda qaranka ee dowladda Soomaaliya ayaa u digay Masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya ee caadeystay Dhaleeceynta dowladda.

Waxaa uu xusay in ay jiraan masuuliyiin caadeestay in ay ka shaqeynayaan iska horkeenida Shacabka iyo dowladda taasina aysan u dulqaadan doonin hey’addaha Amniga.

“ Waxaa jira dad Mas’uuliyiin ah oo qaarkood ay dowladda ku jiraan oo dhayalsanaya in magaaladaan uu dhib ka dhaco oo maalintii uu qarax dhici waayo dhahaya maanta maxaa dhacay qarax madhicinee,kuwaas oo degdeg iyo dhibaato u qabo in magaaladaan uu dhib ka dhaco”.

Hadalka Taliye Sanbaloolshe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii dambe ay soo badanayeen dhaleeceynta ay dowladda u jeedinayaan masuulyiinta qeyb ka ah xasaanadda dowladda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!