Taliye ka tirsan Nabad Sugidda oo ka badbaaday qarax gaariga loogu xiray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliye ka tirsan Nabad Sugidda oo ka badbaaday qarax gaariga loogu xiray

Mareeg.com: Qarax gaari ayaa saaka ka dhex dhacay garaash ku yaalla xaafadda Baar Ubax ee magaalada Muqdisho. Qarax ayaa la sheegay in si qarsoodi ah loogu xiray gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka lala rabay qaraxa oo ahaa Taliyaha Nabadsugidda Qeybta Weliyow Cadde ee gobolka Banaadir ayaa ka badbaaday weerarkaas.

Qaraxa ayaa gebi ahaanba baabi’iyey gaariga, wuxuun sidoo kale khasaare u geystay gaadiid kale, iyadoo qaraxaas dab xoogan ka dhashay.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag, Axmed-Nuur Cabdi Siyaad oo ka hadlay qaraxaas ayaa warbaahinta u sheegay in taliyaha la beegsaday uu ka badbaaday qaraxaas.

“Gaari uu lahaa Taliyaha Nabadsugidda Qeybta Weliyow Cadde ee gobolka Banaadir oo yaallay garaash ku yaalla Baar Ubax ayaa qarax lagu xiray, wuuna qarxay, laakin taliyuhuu wuu ka badbaaday” ayuu yiri gudoomiye Axmed-Nuur Cabdi Siyaad.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in su’aalo la weydiinayo milkiilaha garaashka iyo shaqaalaha, iyadoo wax laha weydiinayo sida gaarigaas qaraxa loogu xiray.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!