Taliye Cusub Oo Loo Magacaabay Tababarka Midowga Yurub Siiyaan Ciidamada Soomaaliya

Read Time:46 Second

Brussels, Mareeg.com: Midowga Yurub ayaa taliye cusub usoo magacaabay tababarka ciidamada Soomaaliya ee ay dalalkaas bixin jireen, iyadoo lagu wado in sanadka soo socda ee 2014 howlaha tababarkaas loosoo wareejiyo dalka Soomaaliya oo laga soo wareejiyo dalka Uganda.

Taliyaha cusuybe cusub ee lasoo magacaabay ayaa ah sarkaal u dhashay dalka Talyaaniga, kaaso lagu magacaabo General Massimo Mingiardi.

General Massimo Mingiardi ayaa xilka kala wareegay General Gerald Aherne oo sannadkii hore looso magacaabay inuu madax u noqdo tababarka la siinayo ciidamada Soomaaliya, una dhashay dalka Ireland.

Midowga Yurub ayaa sheegay in taliye General Massimo Mingiardi shaqadisa bilaaban doono 15 bisha Febraayo ee sanada 2014.

Tababarka Midowga Yurub siiyaan ciidamada Soomaaliya oo loogu magaca daray (EUTM Somalia), ayaa xerada Bihanga oo 250 Km u jirta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Tan iyo sanadkii 2010, waxaa xerada Bihanga lagu tababaray 3,600 oo askar Soomaali ah, waxaana kuwii ugu dambeeyey tababarka loo xiray todobaadkan.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %