Taliye cusub oo loo magacaabay milateriga ka howlgala Banaadir & labada Shabeelle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliye cusub oo loo magacaabay milateriga ka howlgala Banaadir & labada Shabeelle

Mareeg.com: Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud Jen. Maxamed Maxamuud Saney loogu magacaabay Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xooga dalka Gobolada Shabellaha Dhexe, Shabellaha Hoose iyo Banaadir.

Wareegtada ayaa xilkaas looga qaaday taliyihii hore Jen. Maxamed Maxamuud Xasan (Qaafow), kaasoo xilkaas hayay ilaa 2 sano.

Jen. Saney ayaa horay uga mid ahaa Taliyeyaashii Guutooyinka ciidanka xooga dalka, sidoo kalena waxaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada xooga dalka ee fadhigooda ahaa Wasaaradda Gaashaandhiga.

Taliye Qaafow ayaa soo dhoweeyey xil ka qaadista “Waana soo dhoweynayaa xilka la iga qaaday, waana qaatay xil ka qaadistaas, qeybta aan hogaaminayay ee 12-ka April Labada Shabelle iyo Banaadir, intii aan xilka hayay waxaa xoreynay deegaano badan, howlo adagna waa soo qabtay” ayuu yiri Jen, Qaafow.

Labada sarkaal ee la isku badelay ayaa muddooyinkii dambe ka wada howlgelayey taliska milateriga Soomaaliya, waxeyna ka qeybqaateen dagaalkii Alshabaab looga saaray Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!