Taliye Cusub Oo La Wareegay Hogaanka Ciidamada Badda Soomaaliya

Muqdisho, Mareeg.com: Taliye cusub ayaa manta la wareegay hogaanka ciidamada badda Soomaaliya kadib markii dhawan xilka laqa qaaday taliyihii hore Admiral Faarax Cuamr Axmed (Faarax Qare).

Taliyaha manta xilka la wareegay ayaa lagu magacaabaa Admiral Madey Nuurey Sheek Ufurow, wuxuuna xilkaas kala wareegay taliyihii hore Admiral Faarax Axmed Cumar Faarax Qare ka dib munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidamada Badda ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa Talihii hore ee Ciidanka uu ku warejiyay taliyaha cusub docuimentiyo ku saabsan waxqabadka uu Talisku muujiyay mudadii 5-ta sano ee ugu dambeysay islamarkaana uu taliyaha ka ahaa Admiral Faarax Qare.

Taliyihii hore ee Ciidamada Badda iyo Difaaca Xeebaha Admiral faarax Axmed Cumar Qare oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta xilka ku wareejiyo admiral Ufurow, isagoo ka codsaday saraakiisha ciidamada badda inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Taliyaha cusub.

Admiral Faarax Qare oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Xukuumadda xilka cusub ee ay u igmadeen admirtaalka kaas oo ah inuu madax ka noqdo Hay’adda Cilmi barista Badaha Soomaaliyeed maadaama muddo ka badan 50 sano uu ku jiray Shaqadaha Badaha.

Sidoo kale Taliyayha cusub ee Ciidamada Badda iyo Difaaca Xeebaha Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa uga mahadceliyay taliyihii hore waxqabadka uu muujiyay isagoo ballaanqaaday inuu sii dar dar gelin doono howlaha ciidamada Bada.

Taliskii hiore ee Ciidamada Badda iyo Difaaca Xeebaha ayaa mudadii uu shaqeyanayay dedaal badan ku bixiyay tababarka ciidamo ka badan 400 askari, isagoo doonyo kuwo dagaalka ah ka helay dowladda Turkiga islamarkaana haatan loo ballanqaaday maraakiib nuuca dagaalka ah si looga hortago falalka burcad badeednimada iyo wasaqeynta badaha Soomaaliya.

Mareeg.com