Taliye Ciidan oo ka hadlay howlgallo laga wado Sh.Hoose

Read Time:35 Second

Xaalada degaannadii ay la wareegeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa saakay degen iyadoo howlgallada lagula dagaallamaayo Al-Shabaab ay halkaasi ka socdaan.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage  ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada ay hadda degan yihiin,islamarkaana ay ka waddaan howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay inay Howlgaladaan sii socon doonaan, inta  Al-Shabaab laga saaraayo guud ahaan degaanada ay gacanta ku hayaan.

Hadalka taliyaha ayaa yimid ka dib markii Ciidanka Danab ay la wareegeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo intooda badan hoos yimaada degmada Afgooye.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.