Taliye Cali Gaab Oo Maanta Xilkii Laga Qaaday
Taliyihii Ciidamada Ilaalada Wadooyinka Muqdisho Jen Cali Maxamed Xirsi (Cali Gaab) ayaa maanta laga qaaday xilkii uu hayay muddo 3-bilood kadib.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa la Sheegay in uu xilka ka qaaday Taliye Cali Gaab,warar soo baxaya ayaa sheegaya in xilka laga qaaday xilli uu ku guda jiray howlo shaqo iyo kormeer uu ku sameynayay qaar ka mid Wadooyinka Muqdisho.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Taliye Cali Gaas Lama oga illaa iyo hada sababaha ka dambeeya oo la ogyahay in uu yahay nin shaqo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xurguf ay ka dhaxeyso Jen, Cali Gaab Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, C/xakiin Daahir Saciid Saacid.
Comments are closed.