Taliyayaasha Nabad-sugida, Booliiska iyo Asluuubta oo la magacaabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyayaasha Nabad-sugida, Booliiska iyo Asluuubta oo la magacaabay

, Feberaayo, 19, 2018 -Kaddib kulan gollaha Wasiirradda xukuumadda Soomaaliya ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay taliyayaasha ciidamada Nabad-sugida,Booliiska iyo Asluubta Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Bashiir Cabdi Maxamed, halka Taliyaha Nabad-Sugida loo magacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen.

Halkan Taliyaha Asluubta loo magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo horay xilkan u hayay.

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay u ahaa Taliye ku-xigeenka Booliska, isagoo haatan u dalacay xilka Taliyaha Booliska.

Sidoo kale Taliyaha Nabad-Sugida Xusseen Cusmaan ayaa horay u soo noqday Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka.

Xilalkan ayaa ku dhawaad muddo afar bilood ah bannaanaa kaddib markii 29 October sanadkii hore fadhi sidan oo kale gollaha Wasiirrada yeesheen xilalkii ka qaadeen taliyayaashii Nabad-sugida iyo Booliiska Soomaaliyeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!