Taliyaha Xabsiga Dhexe oo shaqa joojin lagu sameeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Xabsiga Dhexe oo shaqa joojin lagu sameeyey

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe,isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heyso.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa kaasi oo kadib dhintay.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ah taliyaha xabsiga dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay in ruuxaas, oo ku xukunaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, isla markaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay.

Ruuxa Bukaanka ah ee Xabsiga ku geeriyooday ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow,waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin ilaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!