Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Kenya oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Somalia * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Kenya oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Somalia

War haatan soo baxay ayaa waxaa uu sheegayaa in Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Kenya, Samson Mwathethe,uu  booqasho qarsoodi aheyd uu ku tegay Jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo saldhig weyn ay ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka.

Taliyaha ayaa sidoo akle tegay Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Kenya oo kamid ah AMISOM,isaga oo Ciidamada ugu hambalyeeyey dhalashada Sanadka Cuusb oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu salaan uga sido Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo bogaadiyay geesinimada Ciidamada Kenya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Mr Samson, ayaa qiray in intii Ciidanka Kenya ay ka dagaallamayeen Soomaaliya ay la kulmeen laba dagaal oo uu khasaare xoog leh ka soo gaaray kuwaas oo kala ah Ceel Cadde iyo Kulbiyow, hayeeshee ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

Taliye Samson Mwathethe ayaa ku faanay in Ciidanka kenya ee jooga Soomaaliya ay hub carsi ah iyo saad ku filan ka helaan dowladdooda Kenya kuna bogaadineyso dadaalka ay uga jiraan in ka adkaadaan Al-shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More