Taliyaha Nabadsugidda oo tegay Dhuusa Mareeb una gogol xaaraya booqashada madaxweyne Xasan

Read Time:37 Second

Mareeg.com: Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Jen. C/raxmaan Tuuryare ayaa maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Taliyaha Nabadsugidda waxaa socdaalka ku wehlinaya saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa markii u gaaray magaalada DhuusaMareeb waxaa uu kormeeray xarunta hay’adda Nabad Sugida oo ku yaala magaaladaasi isagoo sidoo kale kormeerey saldhig lagu tababaro ciidanka hay’adda Nabad Sugida.

Socdaalka Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda, Janaraal C/raxmaan Maxamuud Tuuryare uu maanta ku tagay ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo la filayo inuu dhawaan halkaas gaaro madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Marka madaxweynaha Soomaaliya booqanayo magaalooyinka waaweyn waxaa kasoo hormara wafdi amaan oo horudhac ah, kuwaasoo marka hore qiimeynaya xaaladda amaan ee magaalada uu booqanayo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.