Taliyaha Nabad Sugidda oo raba in Alshabaab loogu yeero magac ay iyagu u bixiyeen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Nabad Sugidda oo raba in Alshabaab loogu yeero magac ay iyagu u bixiyeen

Mareeg.com: Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, Jen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa usoo jeediyeyey saxaafadda Soomaaliyeed iney adeegsadaan oo ay Alshabaab ku magaacabaan magaca ay dhawaan bixiyeen, kaasoo ah UGUS.

Taliyaha oo hadal ka jeediyey munaasabad lagu xusayey maalinta warbaahinta oo Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay inuu rabo in warbaahinta Soomaaliyeed Alshabaab ugu yeeraan magaca UGUS.

“Waxaa rabaa inaan maanta warbaahinta ka codsado, anaga magaca Al-Shabaab waan bedelnay, waxaa ku bedelnay magaca UGUS, ayagana isku bixiyay runtii, magaca Al-Shabaab waa magac fiican waa dhalinyaro, ma ahan inaan u ogolaano magacaas inay xumeeyaan”ayuu yiri Jen. Tuur Yare.

“Cadawga aan la dagaalameyno waa UGUS, waxaa laga soo gaabiyay Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed, warbaahinta dowladda maamusho waa dhaqan gelisay, kuwa kale ee aan ku soo biirin inay ku soo biiraan oo ay UGUS ugu yeeraan waaye, ma ahan inaan idaacadaha kale ka maqalno magaca Al-Shabaab” ayuu yiri Jen. Tuur Yare.

Nabadsugidda Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka hor ku dhawaaqday iney Alshabaab u bixisay magaca UGUS, hase ahaatee waxaan magacaas adeegsan warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay, sida Idaacadaha, Wargeysyada iyo Website-yada.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!