Taliyaha milateriga Soomaaliya oo lala beegsaday qarax

Muqdisho – Mareeg.com: Miino dhulka lagu aasay ayaa saaka lala beegsaday koloniyo uu la socday taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe).

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn warshadda Caanaha xilli uu kusii jeeday xafiiskiisa wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Taliyaha milateriga ayaa ka badbaaday qaraxaas, waxaase goobjoogayaal sheegayaan iney dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Jen. Indhaqareshe ayaa watay gaadiid 3 ah, oo mid ka mid ahaa gaadiidka aysan xabbaduhu karin, halka labada kale ahaayeen gaadiid tikniko ah.

Weli taliska milaterigu faafaahin kama bixin sida wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay qaraxaas, kaasoo loo maleynayo in Alshabaab fulisay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245