Taliyaha Milateriga Soomaaliya oo ka mahad celiyay taageerada Britain ee ciidanka xoogga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Milateriga Soomaaliya oo ka mahad celiyay taageerada Britain ee ciidanka xoogga

Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa kulan kula yeeshay xarunta Safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriett Mathews.Waxaana ay ka wada hadleen taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Iyadoo ay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka.

 

Safiiradda ayaa balanqaaday inay bixinayaan Mushaaraadka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoona sidoo kale sheegtay in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska Xeryaha Ciidamadda si loo xoojiyo tayada iyo tababarka Ciidanka.

 

Danjiraha ayaa ka tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkii Argagixiso ee Hotel Saxafi, iyadoo u rajeysay inta dhaawaca ahna in ay kasoo kabtaan.

 

Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa uga mahadceliyey Safiirka iyo Dawladda Britain taageerada ay siinayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadaallada dib-u-dhiska dalka.

 

“Waxaan Safiirka isku afgaranay sidii ay Britain u xoojin lahayd taageerada ay siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaan soo dhaweynayaa balanqaadka ay sameysay inagoo rajeynaya in uu hirgeli doono xiliyada dhow ee soo socda”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada xooga dalka.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii la magacaabay wadey sidii dib u dhis Xooggan loogu sameyn lahaa Ciidanka X.D.S iyo sidii loo heli lahaa xuquuqda Ciidamadda Qalabka sida.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!