Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga oo goor dhow ka soo degay garoonka Aadan Cadde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga oo goor dhow ka soo degay garoonka Aadan Cadde

Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Turkiga Hulusi Akar iyo wafdi uu horkacayo ayaa goordhow ka soo degay Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa wafdigan si diiran ugu soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Geeddi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia Ambasador Olgan Baker.

Waxaa wafdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, halkaasoo ay kulamo uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Socdaalka taliyaha ayaa la sheegay iney hordhac u tahay wafdi Ballaaran oo ka socda dowlada Turkiga kaasoo ka qeyb geli doona munaasabadda xarigga loooga jarayo saldhig milateri oo Turkiga ka hirgeliyayay duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka dowlada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!