Taliyaha Darawiishta Puntland Oo Ka Hadlay Sugidda Amaanka Doorashada

Read Time:2 Minute, 13 Second

Garowe, Mareeg.com: Taliyaha Ciidamada Darawiishta Puntland ahna Madaxa Guddiga Amniga ee xiliga Doorashada Puntland, Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa ka hadlay amaanka magaalada Garowe oo horaanta bisha soocota la filayo in lagu qabto doorashada madaxtinimada Puntland.

Gen. Siciid Dheere oo sheegay in wixii ka bilowda 26-ka Bisha December oo ku beegan beri (Khamiis) la galayo wajiga labaad ee hawlaha sugida amaanka ee doorashada ka dhici doonta magaalada Garowe oo ay hada ku sugan yihiin inta badan murashaxiinta iyo isimmada Puntland.

Taliyaha ayaa ka hadlay kulamadii dhexmaray Guddiga amniga iyo Murashaxiinta oo ay isku dhaafsadeen sida looga wada shaqeyn karo sugidda amaanka, kulankii ugu weynaana uu dhacay 23kii bishii December.

Gen. Siciid Dheere ayaa ka hadlay dhacdadii rasaastii lagu riday Gaariga uu saarnaa Murashax Cabdi Daahir Yey, wuxuuna xusay in baaritaan arrintaasi lagu wado lana soo dhameyn doono baaritaankaasi muddo dhow oo ay saxaafada usoo gudbin doonaan wixii kazoo baxa.

Sidoo kale Gen. Siciid ayaa ka hadlay rasaastii lala beegsaday gurriga Murashax Cali Xaaji Warsame, wuxuuna sheegay in ciidamada roondada aysan rasaas ku tuurin gurriga Murashax Cali Xaaji, balse ciidamada roondada ay ku daba joogeen gaari kaasi oo ay ku baareen goob u dhaw guriga murashaxa.

Saciid Dheere ayaa tilmaamay iney goobta yimaadeen ciidamada illaalada murashaxa Cali Xaaji Warsame, wuxuuna sheegay in arrintaasi is af faham la’aan ku timid oo aysan ahayn wax weyn, balse tahay mid u baahan in laga digtoonaado inaysan dib u dhicin.

Taliyaha ayaa ka hadlay dhaliilo loo soo jeediyey hawlgalo ay magaalada ka wadeen ciidamada Bada ee Marinska ee hoostaga Madaxtooyada iyo kuwa illaalada u ah Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in uu isagu yahay Madaxa guud ee ciidamada Difaaca Puntland, isla markaana lala xisaabtanmi doono askarigii danbi gala.

Wuxuu sheegay Saciid Dheere iney mamnuuc tahay in isbaarooyin la dhigo afaafka hore ee guryaha musharaxiinta, wuxuuna yiri “Waxaa ka mamnuuc ah dhamaan ciidamada inay wax isbaaro ah dhigtaan irida ama nawaaxiga guryaha murashaxiinta, waxaa sidoo kale mamnuuc ka ah ciidamada amaanka inay baaraana ama is horjoogsadaan dadka martida u ah ama u tagaya murashaxiinta”.

Wuxuu sidoo kale sheegay Gen.Siciid Dheere in ay illaalada murashaxiinta la socota ay dhankoodana amniga wax ka sugaan oo ay ka fekeraan midnimada iyo sidii looga taxadari lahaa khaladaadka imaankara.

“Ciidamada roondooyinka waxaan u sheegnay inay xiriir la sameeyaan madaxda illaalada murashaxinta marka xaafadaha ay degen yihiin ay hawlgal ka sameenayaan, kuli gacmo wadajir ah baa loo baahan yahay in amniga lagu wado sugo…”ayuu yiri Gen.Siciid Dheere.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay ayaa dhawaan dhamaan musharraxiinta madaxtiminada Puntland ujeediyey iney amaanka kala sahqeeyaan Jen. Saciid Dheere oo uu sheegay inuu xilsaaran yahay amaanka doorashada Puntland.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %