Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo xilka la wareegay

Mareeg.com: Taliyahii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen. C/xakiim Saciid Saacid ayaa maanta xilka ku wareejiyey taliyaha cusub ee dhawaan la magacaabay Generaal Maxamed Xasan Ismaaciil, kadib xaflad kooban oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Muqdisho.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya IBraahim Isxaaq Yarow Saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka socotay ciidamada Booliiska Amisom.

Ka hor inta aysan bilaaban xaflada ayaa waxaa kulan gaar ah ah yeeshay Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Taliyihii hore ee ciidamada Booliiska, lama oga waxyaabaha ay kawada hadleen Saxaafadana xog kama aysan helin.

Xaflada xil wareejinta marka ay soo dhamaatay ayaa Waxaa Saxaafada la hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliyeed Ibraahin Isaaq Yaroow oo sheegay in maanta kadib Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu yahay Generaal Maxamed Xasan Ismaaciil oo xilkaasi si rasmi ah loogu wareejiyay.

Wuxuu kaloo sheegay in Taliyihii hore ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed uu kusoo shaqeeyay Duruufo kala duwan, shaqooyinka Qaranka uu uqabtayna ay uga mahad celinayaan.

Ugu dambeyn Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayuu ka rajeeyay inuu la imaan doono waxqabad muuqda oo ku aadan shaqooyinka Ciidanka Booliiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa 9-kii July 2014 xilka ka qaaday Jen. Saacid, kadib markii la weeraray madaxtooyada, wuxuuna booskiisa u magacaabay Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil.

Mareeg Media

 

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245