Taliye U Dhashay Burundi Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Hogaanka Ciidamada AMISOM

Kismaayo, Mareeg.com: Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa oo u dhashay dalka Burundi ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah xilka ugala wareegay taliyihii hore ee ciidamadaas una dhashay dalka Uganda Lt. Gen. Andrew Gutti.

Xaflad ay xilka kula kala wareegeen labada sarkaal ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo taliyaha cusub yaha kii 6-aad ee ciidamada hogaamiya tan iyo sanadkii 2007 oo ay Soomaaliya yimaadeen.

5-tii taliye ee ka horeeyey taliyahan cusub ee reer Burundi Lt. Gen. Silas Ntigurirwa waxey dhamaantood u dhasheen dalka Uganda oo ahaa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo ka socda AMISOm usoo diray Soomaaliya sanadkii 2007.

Xafladda xilwareejinta waxaa furey Ergayga Midowga Afrika arrimaha Soomaaliya u qaabilsan danjire Mahamed Saleh Annadif, waxaana khudbadii furitaanka uu hanbalyo u direy Raysalwasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabey Dr. Cabdiweli Shiikh Axmed.

Mahamed Saleh Annadif ayaa sidoo kale ka hadley hormarka dhanka amniga ah ee AMIOSM soo hoysey, wuxuuna mahad iyo amaana waxa uu u jeediyey Taliyaha xilka ka degaaya ee Gen. Gutti.

Taliayaha xilka wareejinaya Lt. Gen. Andrew Gutti ayaa sheegey in AMISOM sanadihii u danbeeyey wax badan ka qabatey dhanka amniga gaar ahaan caasimadda Soomaaliya, waxaana wax badan iska beddeleen kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadda iyo Garoonka oo ah kuwo aad mashquul ah isla markaana amnigeeda AMISOM ay gacanta ku hayso.

Gutti ayaa sheegey in tirada ciidanka AMISOM oo kor loo qaado ay keeneyso in dhul badan laga saaro Al-Shabaab, si shaqada loo dhamaystiro, wuxuuna u mahada celiyey Midowga Afrika, iyo Soomaalidii la shaqeysay intii uu xilka hayey.

Taliyaha cusub ee AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa, ayaa khudbad kooban ayaaa sheegay inuu rajo ka qabo in Soomaaliya la keeno ciidamo dheeraad ah oo ka socda AMISOM, si ay awoodaan iney isku ballaariyaan deegaano dheerad ah.

Taliyaha cusub ee AMISOM Lt. Gen. Silas Ntigurirwa wuxuu magaalada Muqdisho soo gaaraay horaantii bishaan Decembere, hase ahaatee manta ayuu si rsami ah xilka ugala wareegay talihii hore ee reer Uganda Lt. Gen. Andrew Gutti.

Mareeg.com