Taliyaha Ciidanka Xoogga oo si lama filaan u gaaray Magaalo ka tirsan… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo si lama filaan u gaaray Magaalo ka tirsan…

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ah gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil sare oo AMISOM ka tirsan, waxaana soo dhoweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Taliye Odawaa ayaa inta uu ku sugan yahay Baladweyne wuxuu kormeer kala duwan ku sameyn doonaa Xerooyinka Ciidamada Dowladda deegaanadaas, gaar ahaan xarunta Baladweyne, wuxuuna xog-wareysi la yeelan doonaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan la howlgala.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si gaar ah xoogga u saari doono dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan gobolka Hiiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.