Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kismaayo u Tagay Horumarinta Ciidamada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kismaayo u Tagay Horumarinta Ciidamada

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya S/G Maxamed Aadan Axmed ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, isaga oo ka hadlay uljeedka uu halkaasi u tagay.

Waxa uu sheegay taliyaha in waxyaabaha Kismaayo u tagay ay ka mid tahay u kuur galka xaaladda ciidamada xoogga dalka ee ku sugan magaaladaasi, isaga oo kormeer ku sameeyay xero ay ciidamada deggan yihiin iyo sidoo kale gaadiid dagaal oo dhawaan la gaarsiiyay ciidanka xoogga dalka ee Qeybta 43-aad.

Taliyaha ayaa ku dhiira geliyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kismaayo in ay dardar geliyaan shaqadooda, una adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Al-shabaab ka saari doonaan meel walba oo ay dalka ka joogaan, gaar ahaan waxa uu bogaadiyay ciidanka xoogga dalka ee 43-aad.

Saraakiishii taliyaha uu la kulmay ayaa iyaguna dhankooda waxay sharaxaad ka bixiyeen shaqada ay hayaan iyo sidoo kale xaaladda guud ee ciidanka xoogga dalka ee 43-aad.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!