
Muqdisho (Mareeg.com)-Cloudio Grizina Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Italy oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Talyaaniga iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidii tababaro loo siin lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya , ka qeyb qaadashada dar dar gelinta Nabad gelyada Magaalada Muqdisho iyo sidii Al Shabaab looga saari lahaa dhammaan Gobollada dalka Soomaaliya.
Markii uu soo idlaaday kulamada uu Taliyaha Xoogga dalka Talyaaniga uu la qaatay Saraakiishaa ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxaa warbaahinta faah faahin ka siiyay waxyaabihii ay ku saabsanaayeen kulamadaasi Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Max’ed Aadan Axmed ( Buud) kaas oo sheegay in arrimo muhiim ah ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay isla soo qaadeen dhigiisa Talyaaniga.
Waa safarkii ugu horreeyay oo Taliyaha Ciidanka Milatariga waddanka Talyaaniga uu ku yimaado Magaalada Muqdisho tan iyo markii loo Magacaabay xilkaas.