Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya oo gaarey Kismaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya oo gaarey Kismaayo

Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya General Samson ayaa Shalay soo gaarey Magaalada Kismaayo, si uu Ciidankiisa qeybta ka ah AMISOM ugu hamlablyeeyo Munaasabadda Ciidaka Kirishtaanka.

General Samson ayaa kula hadlay Saraakiisha Ciidanka Kenya Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, waxaana uu aad ugu amaanay Howlgalkooda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid ay Al shabaab uga difaacayaan Amaanka dalkooda.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidankiisa ay qabteen shaqo wanaagsan, wuxuuna  ku booriyay  inay labo jibaaraan Dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, oo uu sheegay inay yihiin khatarta ugu weyn ee dalka Kenya.

“Waxaad Somalia u joogtaan inad wiiqdaan awoodda Al shabaab, si Somalia u noqoto nabad, loogana hortago Weerarada ka dhacay gudaha Kenya,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Kenya oo ka hadlayay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Taliyaha Ciidanka Kenya ayaa ku tilmaamay Al shabaab sida Mas halis badan, oo ka cunaya caruurtooda, sidaasi darteedna lagama maarmaan tahay inay ku dilaan Maska Meel ka baxsan Kenya.

“Al shabaab waa cadowga Kenya, waa in lagu burburiyaan Gudaha Somalia kahor inta aysan dalkeena soo galin, oo dhibaatayn madaxbabaanida iyo sharafta Kenya,” ayuu yiri General Samson.

Ciidanka Kenya ayaa soo galay Somalia Bishii Octoober, sanadkii 2011-kii, xilligaasi oo ay fulinayeen howlkiii loogu magaca-daray Operation Linda Nchi, iyagoo markii uu dhamaaday Howlgalkooda ku biiray Ciidanka AMISOM.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More