
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa taliyeyaal Cusub u Magacaabey Garoonka Aadan-Cadde,Xarunta tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiye iyo Ciidanka Miina baarka booliska Soomaaliyeed.
Wareegto uu soo saaray Taliyaha ayaa waxaa uu ku Magacaabey taliyeyaashaan soo socda.
1) G/Sare Cabdikariin xuseen Macalin Taliyaha Akadeemiyada Gen.kaahiye
2) G/le Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Saldhigga Airpor-ka
3) G/Le Asad Cabdalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista
Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u sheegtay inay dib u habeyn ku sameyneyso Ciidamada Qalabka sida,iyada oo isbedelo cusub la sameeyey.