Taliyaha Ciidanka Booliska iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Magaalada Khartoum
Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” iyo saraakiil ayaa ka dhoofay Magaalada Muqdisho,iyagoo kusii jeeda Magaaladda Khartoum ee dalka Sudan.
Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusii sagootiyey qaar kamid Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa waxa uu Casuumaad ka helay Taliyaha ciidanka Booliska Dawladda Sudan.
Waxaa lagu wadaa markii uu gaaro Magaalada Khartoum S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiisha uu hoggaaminayo in ay la kulmaan Madaxda sare ee Ciidanka dawladda Sudan.
Comments are closed.