Taliyaha ciidamada Asluubta oo kormeeray xarumo ku yaalla Muqdisho & Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha ciidamada Asluubta oo kormeeray xarumo ku yaalla Muqdisho & Afgooye

Mareeg.com: Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta kormeer ku tagey degmada Afgooye Ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliya kormeerka ka bilaabay xabsiga Dhexe Ee Xamar Isagoo Xarumo dhowr ah oo ay Asluubtu leedahay sii maray intii uu Jidka ku sii jiray.

Taliyaha ayaa waxaa uu ugu horeyn Kormeeray Taliska Dhexe Ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Degmada Dharkenley Ee Gobolka banaadir Halkaas oo uu indha indheen ku sameeyay Dib u Dayactir Xarunta ku socda Isagoo Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka Ee Halkaa ku sugan kadibna waxaa uu sii watay Socdaalkiisa oo Afgooye ku ekaa.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Xuseen Xasan Cismaan waxaa uu Kormeeray iyadana Xarunta Agoonta Wiilasha deegaanka lafoole Ee Gobolka Shabeelaha Hoose Isagoo ku soo wareegay qeybo ka mid ah xarunta oo uu ka muuqday Bur Bur lixaad leh ka dibna Sacdaalkiisa ayuu sii watay.

Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabelaha Hoose Markii uu Gaaray ayuu Xarunta Agoonta Gabadhaha Degmadaas Isagoo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Asluubta Ee Xarunta Maamula ka dib ayuu Saxaafada la hadlay Taliyuhu isagoo digniin u diray Dad uu sheegay in ay Xoog ku haystaan Hanti Asluubtu leedahay iyo kuwo dhisanaya hadda Beerihii Ciidanka Asluubta.

Intaa ka dib taliyuhu waxaa uu Kormeeray Xarunta Maamulka Degmada, Saldhiga Booliska Degmada, iyo Xabsiga Degmada Afgooye waxaana uu kulan la qaatay Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada amaanka  oo ay Arimo Dhowr ah ay ka wada hadlen Taliyaha ayaana Gudoomiyaha Afgooye ka codsaday in uu dib u dhis ku sameeyo Dhowr KM oo wadada Laamiga ah inta u dhaxeysa Afgooye iyo Deegaanka carbiska halkaas oo uu Bur bur lixaadleh ka jiro.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Afgooye Xaaji Gaabow Cusmaan ayaa waxaa uu taliyaha u sheegay in uu soo dhamaaday qorshe Maamulku wadadaas ku dhisayo dhawaana uu bilaaban doono.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.