Taliyaha ciidamada dalka Burundi oo booqasho ku jooga Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha ciidamada dalka Burundi oo booqasho ku jooga Soomaaliya

Mareeg.com: Taliyaha ugu sareeya ciidamada dalka Burundi Maj. Gen. Prime Niyongabo ayaa gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ay halkaasa kusoo dhaweeyeeyn ciidamada AMISOM oo ay ku jiraan kuwa ka socda dalkiisa.

Taliyaha ayaa maalmaha uu joogo dalka Soomaaliya booqan doona xeryaha ay ciidamada dalka Burundi kaga sugan yihiin koonfurta Soomaaliya.

Maj. Gen. Prime Niyongabo ayaa la sheegay inuu Soomaaliya u yimid si uu ciidamada AMISOM ula wadaago dhibkii ka dhashay weerarkii dhawan Alshabaab ku qaadeen xerada Xalane.

Sarkaalkaan sare ayaa dhanka kale la kulmi doona taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe).

Waa markii labaad ee Maj. Gen. Prime Niyongabo gaaro magaalada Muqdisho, isagoona sanadkii 2013 booqaday caasimadda Soomaaliya.

Sanadkii 2013 markii uu caasimadda Soomaaliya imaanayey Maj. Gen. Prime Niyongabo, waxaa taliyaha AMISOM ahaa sarkaal u dhashay dalka Uganda oo lagu magacaabo Lt Gen Andrew Gutti.

Haataan oo uu markii labaad booqanayo Soomaaliya waxaa taliyaha ciidamada AMISOM ah sarkaal u dhashay dalkiisa Brundi oo lagu magacaabo Lt. Gen. Silas Ntigurirwa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!