Taliyaha booliska Soomaaliya: Dilalku wey ku yaraadeen Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaha booliska Soomaaliya: Dilalku wey ku yaraadeen Muqdisho

Mareeg.com: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/guuto Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, ayaa tilmaamay in ciidamada Booliska Soomaaliya guulo waaweyn ay ka gaareen sugidda amniga magaalada Muqdisho, kaddib markii ay qaadeen tallaabooyin lagu wiiqayo Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir.

Jeneraal Maxamed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu xusay tan iyo markii uu la wareegay xilka hoggaanka taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed in ay sameeyeen howlgallo si taxadar ah loogu bartil-maameedsanayo Al-shabaab, isagoo xusay in taasi ay keentay weeraradii iyo dilalkii qorshaysnaa ee Alshabaab ka gaysan jireen Muqdisho ay yaraadeen.

Taliyaha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in mudada aadka u gaabneyd ee uu xilka hayay ay Muqdisho iyo deegaanada ku dhow ka dhaceen 23 dil, 18 kamid ah kooxihii ka danbeeyay lasoo qabtay, isagoo sidoo kale sheegay in la fashiliyay 11 howlgal oo Alshabaab doonayeen inay ku waxyeelaan Ummada Soomaaliyeed.

“Kaddib markii kooxaha argagixisada ah lagaga guuleystay dagaalladii foolka-foolka ahaa ee ay la galeen ciidamadeenna, waxay maciinsadeen inay ku dhex milmaan shacabka Soomaaliyeed, anagoo adeegsanayna khibradda aan u leenahay amniga waxaan samaynay howlgallo lagu bartilmaameedsaday baro cayiman oo cadowgu iska soo abaabuli jireen” ayuu yiri Jen. Maxamed.

“Awooddii Al-shabaab ku lahayd Muqdisho hadda waa soo dhammatay, waxana tusaale idin ku filan weerarkii ay todobaadkii hore ay ku qaadeen xarunta Hay’adda Nabadsugidda gobolka Banaadir sidii looga hortagay, loona fashiliyay” ayuu Taliyuhu intaasi ku daray .

Taliyaha ciidamadda booliska ayaa tilmaamay deegaanadii dhawaan laga saaray Al-shabaab in la geyn doono ciidamo Boolis ah si ay gacan uga geystaan sugitaanka amniga shacabka ee uu cadowgu mudada dheer dhibaatada ku hayay.

Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa yiri “Hadafkayagu waa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya sidoo kalena la cirib-tiro Al-Shabaab iyo Al-Qaacida. Tallaabada noogu muhiimsan waa inaan gaarno hadafkani, degmooyinkii iyo deegaanadii dhawaan la xoreeyay waxan u qorshaynay ciidamo ka tirsan booliska in aan gayno”

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa howgal lagu soo qabtay kontomeeyo (50) isugu jira amniyaad iyo xubno sare oo Shabaab ka tirsan, waxaana si gaar ah loola socdaa abaabullada iyo qorshayaasha ay soo wadaan, iyadoo si buuxda wararka looga helayo dhumucda fog ee kooxaha Nabad-diidka, taasna waxay noo saamaxaysaa inaan mar walba la socono dhaq-dhaqaaqyada lagu waxyeelaynayo nafta dadkeena sharafta leh, isla markaana dib-u-dhac loogu ridayo dadaallada ay wado dowladdu ee la xiriira sugidda amniga dalkeenna”.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in wadashaqayn buuxda ay kala dhaxayso ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo booliska AMISOM, si isku mid ahna ay uga howlgal galaan qeybo ka mid ah gobollada dalka iyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu danbeyn, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha ammaanka si looga guulaysto Al-shabaab.

“Haddii aan ku guuleeysanno inaan si wadajir ah u sugno ammaanka Muqdisho, waxaa xaqiiq ah inaan tusaale wanaagsan u noqon karno dadka gobollada kale ee dalka nool si ay noogu daydaan oo ay hal meel uga soo wada jeestaan al-Shabaab” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay S/guuto Maxamed Sh. Xasan Ismaaciil.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!