Taliyaha Booliska Somalia oo gaarey Beledweyne

Read Time:44 Second

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya sareeye Guud Maxa’ed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay Maanta gaareen Magaalada Beledweyne, ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Jeneraal Maxa’ed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Beledweyne kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, kan Gobolka Hiiraan, Saraakiish Boolis  Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi iyo Taliyaasha Ciidanka AMISOM.

Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Maxa’ed Cusmaan Cabdi (Maclin Qalaafow) ayaa ka  warbixiyay Socdaalka uu Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Maxa’ed Sheekh Xasan Xaamud ku tagey Magaaladaasi ayaa sheegay in uu kormeeray Xaruumaha Booliska ee Beledweyne.

Wuxuu xusay Gudoomiyuhu in Maxa’ed Sheekh Xasan Xaamud uu Gaadiid Ciidan ku wareejiyay Taliska Booliska Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo horey QM u deeqday Booliska Soomaaliyeed.

Geesta kale, Gudoomiyaha Maamulka Magaalada Beledweyne ayaa tilmaamay in Jeneraal Xaamud uu halkaasi Kulamo kula qaadanayo Saraakiisha Booliska Soomaaliya, AMISOM, iyo Maamulka, waxaana uu kala hadlayaa arrimo la xiriira Amaanka.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.