Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Booliska oo ka hadlay dilalka ka dhaca Boosaaso

5

Kadib markii Ciidamada Booliska Puntland maalmahan magaalada Boosaaso ay ka wadeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena goobaha waxbarashada qaarkood lagu baaray, ayaa Taliyaha Booliska Puntland wuxuu ka hadlay arrintaasi.

Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse, Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay dadka dilalka gaysta inay wax ka bartaan Jaamacadaha, Macaahida iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Puntland ayaa tilmaamay Ciidamada ammaanka inay ku guuleysten soo qabashada nin dil u gaystay shaqsi ganacsade ahaa oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!