Mareeg Media
Somalia

Taliyaha Booliska Nugaal oo shaqadiisii dib loogu fasaxay

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa Shaqadoodii dib ugu fasaxay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal iyo ku xigeenkiisa oo uu dhawaan Shaqada ka joojiyey.

Sarreeye/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar-diiddo uu sheegay in uu sameeyay Col. Muumin Cabdi Shire, balse ilo ka agdhow Jananka ayaa xaqiijiyay in labada Taliye uu khilaaf hoose ka dhex jiray.

Sidoo kale, Taliyaha Booliiska ayaa maalin kadib shaqada ka joojiyay Taliye xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe) oo uu isagana ku eedeeyay in uu amar-diiddo sameeyay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Garoowe laga dareemay khilaafka u dhaxeeya Taliska Booliska Puntland iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal iyo ku xigeenkiisa,taas oo keentay inay soo dhex-galaan madaxda sare ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa shaqada u fasaxay Cabdixamiid Dirir oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal saddex saacadood kadib markii uu shaqada ka joojiyay Gen Muxiyadiin

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!