Taliyaha AMISOM Ee Hiiraan Oo Ka Warbixiyey Howgal Ay Maanta Ku Qaadeen Banaanka Baledweyne

Baledweyne, Mareeg.com: Taliyaha ciidamada Jabuuti Col. Cismaan Dubad ee qeybta ka ah AMISOM ayaa warbixiyey howlgal milatere oo saacadihii hore ee maanta ay ka bilaabeen ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo kuwa Itoobiya meelo ka baxsan magaalada Baledweyne.

Col. Cismaan Dubad ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya, AMISOM iyo kuwa IToobiya saaka ku baxeen labo jiho oo kala ah Bariga iyo Galbeedka magaalada Beledweyne, islamarkaana gaaareen saldhiyo ay Alshabaab lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

“Saaka waxey ciidamadu u dhaqaaqeen labo jiho, iyadoo ujeedadoodu tahay in ay ku beegsadaan Al-shabaab saldhigyada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan” ayuu yiri Col. Cusmaan Dubad oo la hadlay warbaahinta.

Col. Cismaan Dubad ayaa ka warbixiyey goobaha ciidamada wada socda gaareen, wuxuuna yiri “Xiligan ciidamada waxaa ay ku sugan yihiin dhinaca Galbeedka deegaannka lagu magacaabo Raan-gaabo oo ka mid ahaa saldhigyada Al-shabaab, dhinaca Bari ciidamada waxaa ay sii dhaafeen deegaannka Baar-dheere,’’.

Wuxuu sheegay taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubad in howlgalkan uu noqon doono mid bilow ah u ah qorshe la doonayo in guud ahaanba gobolka looga saaro Al-shabaab.

Ma sheegin Col. Dubad wax iska cabin ah oo ay la kulmeen ciidamadu intii ay maanta kusii jeedeen deegaanada banaanka ah Baledweyne.

“Wax iska caabin ah lama aysan kulmin ciidamadu intii ay manta ku jireen howlgalka, meel kasta oo ay tagaan waa ay ka sii firxannayeen koooxaha nabad-diidka” ayuu sidoo kale yiri Col. Cismaan Dubad.

Saraakiisha Alshabaab kama hadlin dhaqaaqa ay sameeyeen ciidamada huwanta ah, hase ahaatee bar Alshabaab taageerta ayaa lagu qoray in ciidamada Jabuuti tageen deegaan lagu magacaaabo Baardheer oo 18 KM ka baxsan Baledweyne.

Mareeg.com