Taliyaasha Booliiska Iyo Nabad Sugidda Oo Xilkii Laga Qaaday

Read Time:1 Minute, 3 Second

Kulan Deg deg ah oo maanta Golaha wasiirada ay ku yeesheen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xil ka qaadis waxa ay ku sameeyeen Taliyaasha Booliiska iyo Nabad sugidda.

Ugu horeyn Golaha ayaa ka xor dhageystay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Qaraxyadii iyo weeraradii xigay ee Muqdisho ka dhacay 14-kii iyo 28-kii bishaan.

Golaha ayaa soo jeediyey in isbadal lagu sameeyo Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gerenal Cabdi Xakiin Daahir Saciid Saacid iyo Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Xil ka qaadistooda ayee Golohu sabab ugu dhigeen Xaaladaha Amni daro ee Magaalada Muqdisho ka dhacay, Golaha wasiirada ayaa Sheegay in ay waajib tahay in mas’uuliyad la iska saaro sugidda amniga.

Taliyahii Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Warbixin uu ku qoray qeybta Aragtida ee Wargeyska New York Times Sirdoonka Shisheeye ku eedeeyey in ay ka gaabiyeen in ay Xog la wadaagaan Sirdoonka Soomaaliya.

Wixii xiligaasi ka dambeeyey waxaa soo baxaye warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay ka carootay Warbixinta Sanbaloolshe, sidaa awgeedne iyada oo u qiil raadineyso xil ka qaadis ay Sabab ugu dhigtay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelka Naaso-hablood 2 oo ku yaalla Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %