Taliyaaniga oo loogu baaqay sii deynta muwaadin Soomaali ah oo u xiran 17 sano * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaaniga oo loogu baaqay sii deynta muwaadin Soomaali ah oo u xiran 17 sano

Mareg.com: Kulan ay ka qeyb galeen Culumaa’udiin, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale ehelada Xaashi Cumar Xasan oo muwaadin Soomaaliyeed oo mudo 17 sano ah ku xiran dalka Talyaaniga ayaa manta waxa uu ka dhacay Magaaladda magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ujeedadiisu aheyd in si wadajir ah looga codsado Dowladda Talyaaniga in ay xuriyadiisa siiso  muwaadinkaas Soomaaliyeed oo mudada ku xiran xabsi ku yaala dalka Talyaaniga.

Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed oo ka mid ah nabadoonadii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in Xaashi Cumar Xasan uu san aheyn dembiile, waxa uuna Dowladda Talyaaniga uu ugu baaqay in ay sii deyso muwaadinkan Soomaaliyeed.

Professor Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed islamarkaana muddo aad u dheer la socday kiiska lagu heysto Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadinka ku xiran dalka Talyaaniga kana mid ah dadka u ololeeya sii deynta dhibanaha ayaa ka sheekeeyay marxalidihii kiiska Xaashi uu soo maray iyo hada meesha uu marayo oo ah in xuriyadiisa uu dib u helo.    

Naciimo Nuur Yuusuf waa gabar 17 sano jir ah oo ifka ku soo biirtay maalintii la xiray Xaashi Cumar Xasan oo ah abtigeed, waxeyna sheegtay in aysan weligeed arkin abtigeed.

Naciimo oo ka murugeysan xariga abtigeed ayaa ka codsatay Dowladda Talyaaniga in ay dib xuriyadiisa u siiso abtigeed Xaashi Cumar Xasan.

Madiino Maxamed Maxamuud Saandheere oo ah hooyada dhashay Maxbuuska Xaashi Cumar Xasan ayaa sheegtay in wiilkeeda uusan aheyn dembiile islamarkaana waxyaabaha lagu eedeeyay aanu waxba ka jirin, iyadoo ka codsatay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay gacan ka geysato sii deynta wiilkeeda.

Dhibane Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa mudo waxa uu ku xiranyahay xabsi ku yaala dalka Talyaaniga, isagoo 17 sano oo ka mid ah noloshiisana ku qaatay xabsi dhexdiisa walina kujira.

Waxaana Xaashi lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dil magaalada Muqdisho loogu gaystay sanadka markuu ahaa 1994-kii  Alaria Alpa oo aheyd suxufiyad ka howgalaysay Telefishinka Rai oo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo sidoo kale Miran Rovati oo ahaa Cameraman ay wada shaqenynayeen.

Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadinka Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in markii dilku uu dhacayey uu ku sugnaa degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xaashi ayaa markii la xirayey dalka Taliyaaniga u tegay inuu ka marqaati kaco dhibaatooyin ciidamadii ajanibiga ahaa ee horaantii sagaashamaeeyadii yimid Soomaaliya ay ka geysteen dalka.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!