Taliyaaniga oo gaadiid ciidan siiyey booliska iyo milateriga Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaaniga oo gaadiid ciidan siiyey booliska iyo milateriga Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay gaadiid dagaal ku wareejisay ciidanka Milateriga iyo Booliiska Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa dowladda Taliyaanigu booliska Soomaaliya kula wareejisay 10 gaari, halka 12 kale ay ku wareejisay ciidanka Milateriga.

Taliyaha ciidanka Milateriga Soomaaliya Jen. Indhaqarshe ayaa goobta ka sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo dowladda Talyaaniga kaalmada ay la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida ay yihiin dhalaan yar oo u baahan garab qabasho, dowladda talyaanigana uu ka codsanayo in la garab qabto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa dhankiisa ka mahadceliyay tallaabada dowladda Talyaaniga ku caawinayso dowladda Soomaaliya, isaga oo ka hadlay xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya.

“Qalabkani waxa uu ka tarjumayaa heshiiskii iskaashiga dhanka ciidanka ee dhex maray dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga bishii September sanadkii hore magaalada Rome, waxaana fileynaa in si buuxda uu u dhaqangalo heshiiskaasi oo muhiimad gaar ah u leh horumarinta iyo dib u dhiska ciidankeena qalabka sida” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ku dheeraaday howlgalada ciidanka dawladda ee gobolada iyo sidii loo gaarsiin lahaa gurmad raashin, caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee bulshada.

Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello ayaa sheegay in marwaliba ay Soomaaliya garab taagan yihiin oo ay taageerayaan.

Amb. Andrea Mazzello ayaa xusay in taageerida dawladda Talyaaniga ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad, ayna doonayaan inay si toos ah ula tacaamulaan dawladda iyo hogaankeeda.

“Waxaan balan qaadeynaa inaan sii laba jibaarno taageeradeena dawladda Federaalka aanu u fidineyno, waana naga daacad garab istaageena” ayuu yiri ugu dambeyntiina Safiirka Dawladda Talyaaniga uga wakiilka ah dalka Soomaaliya Amb. Andrea Mazzello.

Ma aha markii ugu horreysa ee ciidamada Soomaaliya gaadiid ciidan ka helaan dowladdo shishiye, waxaana horay dalal kala duwan Soomaaliya u siiyeen gaadiid kala duwan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!