Taliyaaniga oo Soomaaliya u tababaray saraakiil Ilaaliya canshuuraha barriga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaaniga oo Soomaaliya u tababaray saraakiil Ilaaliya canshuuraha barriga

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Taliyaaniga ayaa dalkeeda tababar ku siisay saraakiil loogu talagalay ilaalinta canshuuraha, sidoo kalana loo tababaray waxa loogu yeero la dagaallanka argagixisada.

Saraakiishan oo maanta dalka dib ugu soo laabtay oo gaaraya 20 sargaal ayaa lagu wareejiyey wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane.

Munaasabad soo dhaweyn ah ayaa ciidamadan loogu qabtay garoonka diyaaradaha Addan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Malaaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane, Safiirka dowladda Taligaaniga u  fadhiya Soomaaliya Andrea  Mazzella, saraakiil sarre oo ka kala tiran Booliska Soomaaliya iyo Militeriga dalka Taliyaaniga.

Saraakiishaan lagu soo tababaray dalka Taliyaaniga ayaa kala qaaday magaalooyinka Muqdisho, Hergeysa iyo Garoowe, waana ciidan loogu talagalay ilaalinta Canshuuraha Berriga dalka.

Jeneraal Garaad Nuur Cabdulle oo ka tirsan ciidammada Booliska Soomaaliyeed  oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay ballan qaaday in ay sii wadi doonto Tababarka ay siineyso ciidamada Booliska, isla markaana uu rajeynayo in ay sii socoto howlaha lagu tababarayo ciidamada.

Sidoo kale safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Andrea  Mazzella, ayaa tilmaamay in kaalmada dowladda Talyaaniga ay siineyso Soomaaliya in ay sii xoonjin doonto, waxaana uu intaa raaciyey in ciidamadan Tababarka ku soo dhammeystay dalka Talyaaniga in ay Tababarkooda uusan ku ekeyn ilaalinta Canshuuraha, hasa yeeshee ay u tababarran yihiin la dagaallanka argagixisada.

Gunaanadkii, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in saraakiishan loo Tababarray ilaalinta Canshuurraha Berriga iyo la dagallan argagixisada in ay daliil u tahay wanaagga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Taliyaaniga, waxa uu si weyn ugu mahadceliyey wasiirka dowladda Taliyaaniga sida ay u caawineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!