Taliyaaniga: Afar kun muhaajiriin ah oo muddo 5 maalmood ah la samatabixiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Taliyaaniga: Afar kun muhaajiriin ah oo muddo 5 maalmood ah la samatabixiyey

Mareeg.com: Ururka caalamiga Muhaajiriinta ee magaciisa loo soo gaabiyo  (IOM) ayaa sheegay in 4 kun oo soo-galooti ah la badbaadiyay 5-tii maalmood ee la soo dhaafay iyagoo isku dayaya in waqooyiga Afrika kaga gudbaan badda Mediterranean, una tilaaban qaaradda Yurub.

Madaxa heyadda, IOM, Baadari Francis ayaa amaanay ilaalada xeebaha Talyaaniga iyo ciidamada badda. Baadari Francis ayaa sheegay inay badbaadiyeen dad ku jiray xaalad xun.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa sheegay in tirada soo-galootiga ee yimid Talyaaniga 6-dii todobaad ee ugu horeeyay sanadkan ay korortay lixdan boqolkiiba marka la barbardhigo isla waqtigaas sanadkii tagay.

Badi soo-galootiga ayaa ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha, waxayna ku jeedaan Yurub iyagoo usoo maray Libya.

Markii uu burburay dalka Liibiya waxaa faraha ka baxay tahriibka, iyadoo ay dalkaas oo ay ka socdaan dagaallo sokeeye ay ku qulqulayaan Muhaajiriin doonaya iney gaaraan Yurub.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!