Taliska NISA ee oo helay Xog ku saabsan Saraakiil ka tirsan Al-shabaab
Taliska Sirdoonka iyo Nabad Sugida Gobalka Banaadir ee NISA ayaa helay xog ah in ay dhinteen laba Sarkaal oo Al-Shabaab u qaabilsanaa dhibaareynta Shacabka Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada iyo Miinooyinka.
Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Miinooyinka Gobalka Banaadir iyo Shabeelada Hoose iyo Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada Miinooyinka Gobolka Banaadir, kana hooseeyey Daariq iyo 6 oo kale oo Miinooyin ka soo qaaday deegaanka Tooratooroow ayay 28-03-2021 kula qaraxday deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhanka kale 03-04-2021 Daariq, waxaa lagu dilay dagaalkii Deegaanka Bariire ee gobolka Shabeella Hoose ay Ciidanka xoogga dalka jab xooggan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Ha’yaddaha Amniga Gobalka Banaadir ayaa uga mahad celinayay geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka oo helay xogta Al-shabaab ee ku aadan dabargoynta Ummadda Soomaaliyeed ugana hor tagay si geesinnimo leh isku deygooda, iyagoona xaqiijiyey awoodda iyo kartida ay u leeyihiin badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.