Taliska Nabad Sugidda oo lacag xoog leh duldhigay madaxa Amiirka Alshabaab

Mareeg.com: Taliska ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay lacaga adag oo la siinayo qofkii keena macluumaad lagu soo qabto ama lagu dilo hogaamiyaha cusub ee Alshabab, Axmed Cumar (Abuu Cubeydah).

Taliyaha ciidanka Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Generaal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo xalay ka hadlay xalay munaasabad ka dhacay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in hay’addu ay qof kasta oo gacan ka geysata in nolosha lagu qabto hogaamiyaha Al-Shabaab ay siin doono $2 Milyan dollar halka qofkii bixiya macluumaad sahla in la dilo la siin doono ($1 Milyan oo Dollar).

Generaal Tuuryare ayaa ballan qaaday in la qarin doono qofka keena macluumaadkaas si ammaankiisa loo ilaaliyo.

Nabadsugidda Soomaaliya ayaa sheegtay in hogaamiyaha cusub ee Alshabaab uu leeyahay magacayada kala duwan sida Axmed Cumar (Abuu Cubeyda), Axmed Diriye iyo Axmed Dheere.

Waa markii ugu horreysay ee dowladda Soomaaliya lacaga intaas la eg dul dhigto madaxa hogaamiye ka tirsan Alshabaab, waxaana arrintaas kusoo beegantay xilli Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu hogaamiyaha cusub ee Alshabaab kusoo rogay xayiraad safar iyo mid dhaqaale.

Alshabaab ayaa 6-dii bishaan September ku dhawaaqay in Abuu Cubeydah yahay hogaamiyaha Alshabaab, kadib markii 1-dii bishaan Mareykanku duqeyn diyaaradeed ku dilay Amiirkii hore Abuu Zubeyr.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245